Maxay salka ku heysaa cadowtinnimada ka dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine?

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa duullaan militari ku qaaday Ukraine bishii February 24, 2022. Kumannaan qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkaas sanad kahor.

Ukraine iyo Ruushka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray waxyeello ba’an. Balse, weli dagaalkan ma uusan dhammaan.

Balse maxay tahay sababta uu Putin aad uga walaacsan yahay Ukraine? Maxay tahay sababta Ruushku uu ugu fogaaday dalkan deriska la ah?

Jawaabtan ayaa waxay ku saleysan tahay taariikhda, dhulka iyo luqadda labada dhinac.

1. Taariikhda dhaqan ee Ukraine iyo Ruushka

Waxay soo bilaabatay qarnigii 9-aad, markii dalkii qabaa’illada ee asal ahaan ka soo jeeday gobolkja Slavic, Kievan Rus, uu ka curtay Bariga Yurub. Dadka gobolkan ayaa aaminsan in Ukraine-ta maanta, Ruushka iyo Belarus ay ka soo jeedaan Kievan Rus.

Qarnigii tobnaad, hoggaamiyihii Kievan Rus wuxuu ahaa Prince Volodymyr, oo sidoo kale loo yaqaanna Prince Vladimir the Great.

Prince Vladimir the Great
Qoraalka sawirka,Prince Vladimir the Great

Wuxuu ahaa Vladimir qofkii aqbalay isla markaana faafiyay diinta Kirishtaanka. Sidaas darteed, waxaa sidoo kale dalal badan looga yaqaan Saint Vladimir, waxaana ka mid ah Ruushka iyo Ukraine.

Waxay ka dhigan tahay in labada dalba ay ka soo jeedaan isla hal gobol marka la eego diinta iyo isirka. Ku dhowaad afar qarni, waxaa socda dhaqangelinta Kievan Rus.

Balse kaddib markii ay dhacday xukuumaddii Kievan Rus xiriirkan ayaa dhammaaday. Dhowr quwado goboleed ayaa ka aasaasmay Bariga Yurub. Mar xilliyada ka mid ah, gobolka waxaa xukumayay quwado shisheeye sida Boqortooyadii Mongol iyo Poland. Kaddib qarniyadii 17-aad iyo 18-aad, Ukarine ayaa mar kale qeyb ka noqotay Boqortooyadii Ruushka.

2. Ukraine xilligii Soofiyeetka

Kaddib Kacdoonkii Ruushka sanadkii 1917, boqortooyada ayaa la burburiyay. Kaddib sanadkii 1922 waxaa soo ifbaxay Midowgii Soofiyeetka. Xilligaas, Ukarine waxay ka mid ahayd aasaasayaashii Midowga.

Muddo 69 sano ah, Ukraine iyo Ruushka waxay qeyb ka ahaayeen Midowgii Soofiyeetka. Xilligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa ee u dhaxeeyay Midowgii Soofiyeetka iyo Mareykanka, Ukraine waxay ka soo horjeedday Mareykanka.

Balse taasi kama dhigna in wax walba oo labada dla ka dhaxeeya ay hagaagsanaayeen. Sanadihii 1932-33 abaar ba’an ayaa ka dhacday Ukraine, taasoo dishay malaayiin qof. Dad badan oo reer Ukraine ah ayaa aaminsan in macluusha oo loo yaqaannay Holodomor, ay ahayd mid si kas ah loo sameeyay isla markaana ay mas’uul ka ahaayeen siyaasadihii Midowga Soofiyeetka.

Ukraine

Caradan ayaa sii xoogeysatay. Saboolnimada ka jirtay dalalkii Midowga Soofiyeetka, cawaaqib xumadii Dagaalkii Qaboobaa, soo ifbixiddii fakrado cusub, isbeddelladii uu horseeday Madaxweynihii Midowga Soofiyeetka Mikhail Gorbachev, ayaa ugu dambeyn dhaliyay kala go’a Soofiyeetka oo u kala qeybsamay 15 dal sanadkii 1991. Ukraine ayaa ku dhawaaqday madax-bannaani.

Raashiyaanka qaar, sida Vladimir Putin, ayaa weli aaminsan fakraddan 30 sano kaddib. Waxaa sidoo kale laga dheehan karaan khudbadda Putin.

3. Muhiimadda dhuleed iyo istaraatiijiyadda Ukraine

Masaafada u dhaxeysa Kyiv, caasimadda Ukraine, iyo Moscow, caasimadda Ruushka, waa 700-800 kilomitir. Dabcan, Ukraine ayaa mar walba istaraatiiji ahaan muhiim u ahayd Ruushka. Intii uu socday Dagaalkii Qaboobaa, Midowgii Soofiyeetka ayaa sidoo kale keyd ballaaran oo hubka nukliyeerka ah ku keydiyay Ukraine.

In Ukraine ay garabjoogto ayaa mar walba muhiimadda koowaad u ahayd Ruushka marka ay timaaddo marinnadeeda ganacsiga ee Badda Madow iyo Mediterranean-ka.

Ukraine

Tan iyo dhicitaankii Midowgii Soofiyeetka, Ruushka ayaa u arkayay Ukraine marin muhiim ah oo xiriiriya Bariga Yurub iyo ‘aag difaac ah’ oo iska caabbiya Galbeedka.

Putin ayaa aaminsan in haddii ciidamada NATOay galaan aaggan difaaca, ay u akri doonaan caqabad toos ah oo Ruushka soo wajahday ayna ka bixin doonaan jawaab ku habboon. Sidoo kale ma aqbalayaan in dalalka Yurub ay hub siiyaan Ukraine.

Waa in xisaabta lagu draaa in Ukraine aysan xubin ka ahayn Midowga Yurub, inkastoo ay ku taallo qaaradda. Dalkan xitaa xubin kama aha NATO.

Balse tobnaankii sano ee ugu dambeeyay, saameynta fekradaha Yurub ayaa ku kordhayay gudaha Kiev. Sidaas darteed, labo qeyb ayay dadku yihiin, waa kuwa fakradaha Ruushka taageersan iyo kuwa Yurub taageersan.

4. Dhanka luqadda

Sida ay dadka qaar qabaan, kala qeybsanaanta ayaa ka jirtay Ukraine. Sababtoo ah dal ahaan, dadka Ukraine ma simana luqad ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Luqadda Ukraine waxaa looga hadlaa galbeedka iyo qeybaha dhexe Ukraine. Halka gobollada koofureed iyo bari ay inta badan deggan yihiin dad ku hadla afka Ruushka.

Isla arrinta quseysa luqadda ayaa sababtay dagaalkii 2014. Xilligaas, dibadbaxyo ka dhacay Barxadda Maidan ee Kiev ayaa sababay afgembi, iyadoo Madaxweyne Viktor Yanukovych uu ka cararay dalka uuna magangalyo u aaday Ruushka. Markaas kaddib, dadka aaminsan fakradaha Yurub ayaa xukunka qabsaday iyadoo gacanka af Ruushka looga hadlo ee Crimea uu go’aansaday inuu ka go’o uuna ku darsamo Ruushka.

5. Damaca Putin

Qoraaga iyo weriyaha Oliver Bullough ayaa sheegay in “Putin uusan weligii qarin damaciisa ku aaddan in mar kale uu Ruushka ka dhigo mid saameyn leh. Khudbaddiisii ugu horreysay ee raysal wasaare uu ahaa, wuxuu carrabaabay dib u qaabeynta dalka.”

Putin ayaa doonayay inuu iska dhigo hoggaamiye isku soo cein kara Ruushka, iyadoo khubarro badan oo Ruush ah au dareemeen in Putin u uku dheggan yahay dib u hanashada Ukraine.

Taasina waa sababta Putin uu sanadkii 2008 u weeraray Georgia oo qeyb ka ahayd Midowgii Soofiyeetka. Gobollada Georgia ee South Ossetia iyo Abkhazia ayaa wixii intaa ka dambeeyay ku jiray gacanta Ruushka.

Aragtiyada Putin ee Ukraine ayaa sii xoogeystay isagoo inta badan soo hadal qaadi jiray. Wuxuu taageeri jiray dadka af Ruushka ku hadla ee Ukraine ku sugan. Taasina waa sababta uu u go’aansaday in Crimea u uku daro Ruushka.

Hadda kaddib toddoba sano isla xaaladdaas ayaa mar kale kacday. Putin ayaa aqoonsaday goonni u goosadka gobollada Ukraine ee Donetsk iyo Luhansk.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.