UK oo siinaysaa Ukraine $620 milyan oo gargaar milatari ah.

Ra’iisul Wasaaraha UK, Rishi Sunak, ayaa sheegay in UK ay lacag badan ku bixin doono dhanka difaaca. Waxay qorsheynayaan inay kordhiyaan kharashka difaaca 2.5% dhammaan lacagta waddanku sameeyo tobanka sanno ee soo socda. Tani waa lacag aad u badan, ku dhawaad £75 bilyan. Sunak ayaa sheegay in tani ay tahay horumarkii ugu weynaa ee lagu sameeyo difaaca dalka muddo dheer.

Sunak ayaa sheegayin in hada dunidu khatar wajahayso, sidaa awgeed UK waxa ay u baahan tahay in ay diyaar u noqoto in ay is difaacdo khatartaas oo ay u difaacato danaheeda. Waxa uu sidaas ku sheegay mar uu booqasho ku tagay dalka Poland, waxa kale oo uu ballan qaaday in uu hub qiimihiisu yahay 500 milyan oo gini u diri doono dalka Ukraine. UK waxay ogolaatay inay 2% dhaqaalaheeda ku bixiso difaaca, dagaalka Ruushka uu kula jiro Ukraine ayaa arrintan ka dhigay mid degdeg ah. UK waxay doonaysaa inay hubiso inay haysato hub iyo qalab ku filan oo ay isku difaacdo.

Sunak ayaa sidoo kale ka hadlay caawinta Poland, oo xuduud la leh Ukraine, dhibaatona kala kulantay hawadeeda. Sunak ayaa sheegay in UK ay udiri doontodiyaarado dagaal si ay gacan uga geystaan ilaalinta hawada Poland. Waxaana ku jira gantaalada xoogga badan ee loo yaqaan Storm Shadows. Ukraine waxay u baahan tahay gargaar sababtoo ah waxaa ka dhammaanaya rasaasta, Ruushkana wuxuu ku sii dhowaanayaa meelaha muhiimka ah.

Horaantii Todobaadkan ayey ahayd markii Maraykanku $61 bilyan ugu deeqay taageerada Ukraine.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.