Xildhibaanada dumarka ah ee Uganda oo dalbanaaya in baarlamaanka looga dhex sameeyo meel ay isku qurxiyaan.

Xubnaha dumarka ah ee ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa dalbaday in dhismaha cusub ee baarlamaabka ee hadda dhismihiisu socdo lagu daro goob haweenka xubnaha ka ah baarlamaanku isku qurxiyaan.

Beatrice Anywar, oo ah wasiir ka tirsan xukumada Uganda, ayaa fikradan dabada ka riixaysa. Anywar ayaa sheegtay in ay aaminsan yihiin inay lama huraan tahay in la helo goob haweenka xildhibaanada ahi yeeahaan sababtoo ah waxay inta badan waqti ku qaataan isdiyaarinta, gaar ahaan ka dib isticmaalka jimicsiga.

Waxay kaloo xustay xuldhibaanadu in helida goobtani ay ku dhiirigelinayso dumar badan inay isticmaalaan jimicsiga.

Doodan ayaa timid kadib markii dhismaha cusub ee uu yeelan doono baarlamaanka lagu daray goob jimicsi, xilshibaanada oo hadalka daba socota ayaa amaantay muhiimada jimicsiga balse waxay ku dartay in marka haweenku jimicsadaan ag sidoo kale u baahan yihiin in ay helaan goob ay isku qurxiyaan oo uu yeesho dhismuhu.

Anita Mid, afhayeenka baarlamaanka, ayaa xaqiijisay in dhammaan codsiyada, oo ay ku jiro goobta u gaarka ah haweenka ee dhanka qurxinta, la tixgalin doono laguna dari doono dhismaha cusub.

Baarlamaanka ayaa ku shaqeeya miisaaniyad dhan 900 oo bilyan oo shilinka Uganda ah oo u dhiganta $237 milyan oo doolar. Kharashaadka ugu Dana wuxuu ku baxaa, socdaalka xildhibaanada, iibsashada baabuur, shidaalka iyo waxyaabo kale oo u gaar ah xildhibaanada oo ay ku jiraan is qurxinta haweenka ku jira baarlamaanka.