Mareykanka oo Ciidamadiisa kala baxayo Wadanka Chad.

Niger iyo Chad ayaa u jihaystay in ay xidhiidh la sameeyaan Moscow

Ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalalka Chad iyo Niger ayaa ku soo beegmaya iyadoo labada dal ay soo af-jareen sannado badan oo ay iskaashi la lahaayeen Maraykanka, isla markaana ay hada u wareegeen oo ay iskaashi la samaynayeen Ruushka.

Pentagon-ka ayaa tobanaan ka mid ah ciidamada howlgallada gaarka ah ka saari doona dalka Chad dhowrka maalmood ee soo socda, waana dhirbaaxadii labaad muddo toddobaad gudihiis ah oo soo wajahda wadamada dhaca galbeedka iyo badhtamaha Afrika, sida ay saraakiisha Mareykanka sheegeen Khamiistii.

Go’aanka lagaga saarayo ilaa 75 ka mid ah ciidamada gaarka ah ee ka howlgala magaalada Ndjamena ee caasimadda Chad, ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii maamulka Biden uu sheegay in in ka badan 1,000 askari oo Mareykan ah uu kala baxayo Niger bilaha soo socda.

Pentagon-ka ayaa lagu qasbay in ay hoos u dhigto ciidamada si ay uga jawaabto dalabaadka dowladaha Afrika ee ah in dib looga wada xaajoodo sharciyada iyo shuruudaha ay ku shaqeyn karaan shaqaalaha militariga Mareykanka.

Labada dal waxay rabaan shuruudo danahooda u wanaagsan, falanqeeyayaasha ayaa leh. Go’aanka ay uga baxayaan Niger ayaa ah mid kama dambeys ah, balse saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay dib u billaabaan wada-hadallada ku saabsan iskaashiga dhanka amniga kaddib doorashada Chad 6-da May.

Bixitaanka la taliyayaasha militariga Mareykanka ee labada dal ayaa imanaysa iyadoo Niger, iyo sidoo kale Mali iyo Burkina Faso, ay ka weecanayaan sanado badan oo iskaashi ah oo ay la lahaayeen Mareykanka oo ay hada bilaabeen inay iskaashi la sameysteen Ruushka – ama ugu yaraan ay sahamiyaan xidhidh dhow oo dhanka ammaanka ah oo ay la leeyihiin Moscow.