Chelsea miyay burburin kartaa riyada horyaalka ee Arsenal?

Kulankan dhexmaraaya kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa muhiimad wayn ugu fadhiya kooxda Arsenal oo garoonkeeda ku ciyaaraysa,
Arsenal ayaa hal dhibic ka sarreysa kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City, taas oo ay hal kulan u hadhsan yahay.

Hadaba Kulanka dhexmaraaya chelsea iyo arsenal ayaa kulamo isaga hor yimid 208 kulan, 82 kamida waxaa guulaysatay Arsenal, halka chelseana badisay 66, waxay isku barbar dhaceen 60 kulan.

Hadaba kulamadii ugu dambeeyey ee labadan kooxood kulamaan waxay ku kala baxeen barbar dhac 2 iyo 2 ah, kulan katirsan hoyraalka ingiriiska.

Chalsea oo daalaa dhacaysa xili ciyaaradeedii ugu dambaysay ayaan ka badin arsenal tan iyo 2021 kii. Waxaanay ku jirtaa kaalinta 9aad.

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin sideedii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Premier League waxayna dhaliyeen ugu yaraan laba gool lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Arsenal ayaa laga badiyay kaliya hal kulan sideedii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxda chelsea horyaalka premier League waxana ay haatan ku raaxaysanaysaa guulihii ugu dheeraa ee ay Blues ka gaadho tartanka tan ilaa 2005.

Arsenal ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u hanan lahayd horyaalkeedii 14aad, 21 sano oo ay u haraad qabtay in ay ku guulaysato horyaalka ingiriiska markaas oo ay ugu damnbaysay xili ciyaaareedkii 2003-04 tii balse waxaa ku gadaaman darbi adag in ay xaqiijiso hanashada horyaalka. Waxaana cagta cagta ugu haya labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City.

Maamulaha Chelsea Mauricio Pochettino ayaan waligii guul ka gaadhin kulan Premier Leaque ah oo ay martida u tahay Gunners, afar barbaro iyo saddex guuldaro ah todobadii kulan ee uu Emirates ku booqday.

Cole Palmer ayaa dhaliyay 20 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkan, isaga oo 10 gool dhaliyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay. Waxaase shaki badna ku gadaaman yahay in uu ciyaaro kulankan balse si rasmi ah looma hubo.

Tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii hore, Bukayo Saka ayaa ku lug lahaa goolal arsenal waayo adag ku soo dhaaftay, wuxuu dhaliyey 14 gool oo horyaalka ingiriiska ah 31 kulan oo uu ciyaaray.