Shil dhimasho geystay oo ka dhacey Dalka Maleysia .

Laba diyaaradood oo helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Malaysia ayaa isku dhacay hawada xilli ay ku guda jireen dhoolatus ay sameynayaan ciidamada badda
waxaana ku dhintay 10 ka mid ah shaqaalihii markabka, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen ciidamada badda.
Shilkan ayaa ka dhacay saldhiga ciidamada badda ee Lumut ee ku yaala galbeedka gobolka bayrak
“Dhammaan dhibanayaasha ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen goobta waxaana loo diray isbitaalka milatari ee saldhigga ciidamada badda ee Lumut si loo aqoonsado,” ayay yiraahdeen ciidamada badda.

muuqaal ay baahisay warbaahintu ayaa laga arkayey isku dhaca iyo khasaaraha ka dhashey shilkan diyaaradeed ee dhacey .
. Booliska deegaanka ayaa xaqiijiyay in muuqaalku uu run yahay.
Ciidamada badda ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay isku dhaca.

Wasiirka Difaaca dalkaasi oo hadlay ayaa sheegay in diyaarada — helicopter-ka howlgalada badda iyo diyaarad Milateri ay ku celcelinayeen dhoolatus ay ugu dabaaldegayeen sanadguuradii 90-aad ee ciidamada badda ee Malaysia, oo lagu wado in la qabto maalmaha soo socda .
Waxaa socday dadaallo lagu xaqiijinayo haybta shaqaalaha shilkan ku dhintay oo dhammaantood da’doodu ka hooseyso 40-sano,