19 Tahriibayaal ah oo maydadkooda la helay

Ciidanka Ilaalada xeebbaha Tuuniisiya ayaa soo saaray maydadka 19 muhaajiriin ah oo ku dhintay badda, kuwaas oo doonayay in ay gaaraan jasiiaradda Lambaduusa ee dalka Taliyaaniga, sida ay sheegeen saraakiisha ilaalada qaranka.

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa ka dhigaysa tirada muhaajiriinta ku dhimatay xeebbaha Tuuniisiya ku dhawaad 200 oo qof, afarta bilood ee ugu horeysa sanad kan.