Roobab khasaare gaystay oo ka da’ay Nairobi .

Roobab mahiigaan ah oo maalmahan ka da’ayey Kenya ayaa dhaliyey khasaaro kala duwan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 32 qof ay naftooda ku waayeen in ka badan 40,000 oo qofna lagu qasbay in ay guryahooda ka barakacaan roobabka iyo daadadka.

Edwin Sifuna, oo kormeera Ismaamulka Nairobi, ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya xaafad dhan oo daad qaaday, kuwaas oo qaar ka mida ay muujiyaan dadka oo ku goddoonsan saqafyada kore ee guryahooda.