Dawlada Botiswaana oo diiday Codsi uga yimid Dawlada Ingiriiska.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Botswana ayaa TV laga leeyahay dalka Koonfur Afrika u sheegay in Dawladda Ingiriisku u soo bandhigtay wadankiisa, haddii uu doonayo in xerooyin looga sameeyo muhaajiriinta UK laga soo mustaafurinayo, inkasta oo aanu wasiirku sheegin xiliga dalabkan la hordhigay Dawladdiisa.

Arintan ayaa dabo socota warrar aan la xaqiijin oo sheegaya in horraan tii bishan ay Dawladda Ingiriisku raadinaysay dallal ay ku badasho Rwanda, kuwaas oo ay kamid yihiin Botswana, Armenia, Ivory Cost iyo Costa Rica.

Isagoo waraysi taleefanka ah siiyay Newzroom Afrika, Lemogang Kwabe waxa uu sheegay in Botswana diiday codsiga, taas oo uu sheegay in uu soo gudbiyay Xoghayaha Arimaha Dibadda Britain iyo wasiirka Afrika, isagoo u soo mariyay marinno dublamaasiyeed.

Mudane Kwabe ayaa sheegay in aanay awoodin in ay aqbalaan muhaajiriinta ka imanaysa Britain sababbo la xidhiidha in ay qabaan mushkiladdooda u gaarka ah ee socdaalka.

‘’Dawladda Britain dad kan uma dooneyso wadankeeda, sidaa daraadeed waxay u doonayaan in ay ku xabaalaan dal fog……….in aan aqbalno muhaajiriinta wadan kale, xili aan la daalaa dhacayno mushkiladda noo gaarka ah ee gobolkeena, taasi cadaalad uma aha Botswana,’’ ayuu yidhi Masuulkani.