Maraykanka oo ka hadlay Shuruudaha Muhiimka u ah Nabadda Gaza.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken wuxuu ku baaqay tillaabooyinka dublamaasiyadeed si loo xaqiijiyo xasilloonida

Ka dib shirkii G7 ee dhawaan ka dhacay magaalada Tokyo, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay shuruudaha muhiimka ah ee lagu gaadhi karo nabad iyo ammaan waarta oo ka dhacda Gaza. 

Xubnaha G7 waxay isla qaateen in jawaab midaysan laga bixiyo dagaalka Gaza, iyagoo xooga saaraya baahida loo qabo “Xabad joojin bani’aadanimo.” Qoraalkiisa, Blinken wuxuu ku soo bandhigay dhowr tillaabo diblomaasiyadeed oo u arko muhiim  taasi oo loo baahan yahay buu yidhi si loogu gogol xaadho nabad iyo xasillooni waarta.

Qodobbada ugu muhiimsan ee Blinken soo jeediyey waxaa ka mid ah:

1. Ka Hortagga Barakicinta Qasabka ah: Mareykanka waxaa ka go’an inuu ka hortago in Falastiiniyiinta si qasab ah looga raro Gaza, inta lagu guda jiro colaadda iyo ka dibba. Tani waxay hoosta ka xariiqaysaa muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada dadka reer Falastiin.

2. La-dagaalanka Argagaxisada: Blinken waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Gaza aan loo isticmaalin goob laga fuliyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ama weerarrada rabshadaha wata. Tani waxay muhiim u tahay ilaalinta xasiloonida gobolka iyo amniga.

3. Dib-u-qabsasho:  Xoghayaha Arrimaha Dibadda ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin isku dayo lagu doonayo in dib loogu qabsado Gaza ka dib marka uu khilaafku soo afjarmo.

4. Xuduudaha Furan: Maraykanku waxa uu taageeraa dhaqdhaqaaqa xorta ah ee dadka iyo badeecadaha ee Gaza, isaga oo ujeedadiisu tahay in uu gacan ka geysto wanaajinta dadka gobolka.

5. Ilaalinta Sharafta Dhulka: Blinken waxa uu iftiimiyay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo xuduudaha Gaza iyo ka hortagga wax kasta oo hoos u dhac ku keenaaya dhulkeeda.

6. Ka Hortagga Khatarta ka imaanaysa Daanta Galbeed: Waa in la qaado tillaabooyin looga hortagayo khatar kasta oo amni oo ka iman karta Daanta Galbeed, taasoo gacan ka geysanaysa xasilloonida gobolka.

7. Maamulka Loo Dhan Yahay: Maamulka colaada ka dib imanaya ee Gaza waa in ay mudnaan siiyaan ka mid noqoshada codadka iyo rabitaanka Falastiin, iyada oo la hubinayo in danaha dadka deegaanka la metelo.

8. Midnimada Daanta Galbeed: Ujeedada muhiimka ah waa in la arko Gaza oo la midoobey Daanta Galbeed ee la haysto ee hoos timaada maamulka Falastiiniyiinta, iyada oo kobcinaysa nabad buuxda oo waarta ee gobolka.

Qodobadan ayaa ka tarjumaya mowqifka Mareykanka iyo rajada laga qabo xaaladda Gaza, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo nabad iyo ammaan waarta oo gobolka ah. Hadalka Blinken ee shirka G7 wuxuu daaran yahay qaabka wax looga qabanayo arrimaha cakiran ee ku xeeran khilaafka, iyadoo xoogga la saarayo diblomaasiyadda iyo iskaashiga.