Madaxda Caalamka oo si weyn uga soo horjeestay Caleema saarka Madaxweynaha Ruushka .

Mareykanka iyo inta badan wadamada Midowga Yurub ayaa sheegay in aysan ergo u diri doonin ee caleema saarka Vladimir Putin kadib guushiisi hogaaminta wadanka ruushka
Putin, oo 71 jir ah, ayaa markii shanaad xilka ku guulaystay doorashadii March ee ay dadka dhaleecaynayay sheegeen in aanay lahayn sharci dimuqraadi ah.


Ingiriiska iyo Canada ayaa sheegay in aysan cidna u diri doonin xafladda, halka afhayeen u hadlay Midowga Yurub uu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in safiirka Midowga Yurub u jooga Ruushka aanu ka qeybgali doonin xafladda caleema saarka, iyadoo la ilaalinayo mowqifka inta badan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.


Saddexda dal ee Baltic-ga ah – Estonia, Latvia iyo Lithuania – kuwaas oo safiiradooda kala baxay Moscow – ayaa meesha ka saaray in ay ka soo qayb galayaan caleema saarka.
Inkastoo ay muuqato qaadacaada, France, Hungary iyo Slovakia ayaa dhamaantood la filayaa inay wakiilo u soo diraan xaflada, Reuters ayaa ku warantay, iyadoo soo xiganeysa ilo diblomaasiyadeed oo aan la magacaabin.