Somaliland iyo Itoobiya iyo dalal kale Oo Xadka Wajaale Ku Kulmaya.

Wefti uu hoggaamiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa gaadhay magaalo xuduudeedkaTog-wajaale, halkaas oo uu qabsoomi doono Kulan ay ka qaybgelayaan weftiyo ka kala socda Jamhuuriyadda Somaliland, Dowladda Itoobiya, Kenya, Uganda iyo South Sudaan.