Banaanbax lagu Taageerayo Falastiin oo ka dhacey Qaybo kamid ah dalalka Yurub.

Ardayda jaamacadaha kala duwan ee Yurub, oo ay dhiiri galiyeen mudaharaadyada sii socda ee Falastiiniyiinta ee lagu taageerayo xarumaha Maraykanka, ayaa qabsaday hoolal iyo xarumo, iyagoo dalbanaya in la joojiyo iskaashiga ay la leeyihiin hay’adaha Israel sababtoo ah dagaalka Israel ee Gaza.
Magaalada Leipzig ee bariga Jarmalka, jaamacaddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay in 50 ilaa 60 qof ay qabsadeen hoolka jaamacada , iyagoo lulaya boodhadh ay ku qoran yihiin: “waa in laga hortagaa xasuuqa.”

Dibad-baxayaashu waxay soo xidheen hoolka , waxayna ka dhisteen barxadda goob ay ku mudaharaadaan , sida ay jaamacaddu sheegtay, taasoo u yeertay booliiska oo dacwad dambi ah ka gudbisay banaan baxayaashan .
Dhowr boqol oo mudaaharaadayaal ah ayaa dib u billaabay bannaanbaxa agagaarka xarunta Jaamacadda Amsterdam ee dalka Holland halkaas oo booliska laga duubay budh-cad iyaga oo ku garaacaya teendhooyinkoodii ka dib markii ay diideen inay ka baxaan goobta.
Iyadoo mudaaharaadyadu ay dib u bilowdeen habeenimadii Talaadada, dibad baxayaasha ayaa hor istaagey in la galo waddooyinka ay ilaalinayaan booliis culus oo la geeyey.
Sidoo kale Nederlaan, ilaa 50 mudaaharaadayaal ah ayaa Talaadadii ka mudaaharaadayay bannaanka maktabadda ee Jaamacadda Utrecht iyo dhowr darsin oo ka tirsan Jaamacadda Farsamada ee Delft, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ANP.