Haweenka magaalada Jig-jiga oo Kharashaadkii Guurka yareynaya .

Shirka wada taashiga haweenka oo ka qabsoomay magaalada Jigjiga ayaa la iskula qaatay qodobo kala duwan.

Kulan lagaga tashanayey sidii loo joojin lahaa caqabadaha hortagaan guurka, saamaynta ay ku leedahay bulshada kharashaadka faraha badan ee arooska iyo yaraynta khilaafaadka qoyska oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Arrimaha Haweenka iyo Caruurta ee DDS ayna ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee haweenka ayaa la iskula qaatay qodobadan:•

1-in la joojiyo lacagta horumarinta ee laga keenayo gabdhaha.

2-in la joojiyo alaabta diiqada.

3-in la joojiyo qarashaadka faraha badan ee lagu bixiyo hoteellada xiliyada guurka.

Kulankan ayaa ah mid loogu gogol xaadhayo shirwayne guud oo lagaga hadli doono arrimaha guurka kaasi oo ay ka soo qayb gali doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada, haweenka iyo culimaa’uwdiinka.