Israa’iil iyo Mareykanka oo khilaaf soo kala dhexgaley.

Dalwadda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay tan iyo marki uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, hakisay hubka ay u daabusho Israa’iil, sababo la xidhiidha walaaca Washington ee duullaanka ay Israa’iil qorsheyneyso in ay ku qaaddo magaalada Rafax ee Marinka Gaza.

Mareykanka ayaa marar badan si cad u sheegay inuusan taageersaneyn weerarka ay Israa’iil rabto in ay si toos ah ugu qaado Rafax, oo ah magaalada ay hadda ku noolyihiin boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo intooda badan horay uga soo cararay deegaannada kale ee Gaza ee ay Israa’iil burburisay, kuna dishay in ka badan 34 kun oo rayid ah.