Safaarada Soomaaliya ee Liibiya oo sheegtay in lasii daayey Tahriibayaal ku Afduubna Dalka Liibiya.

Xogahayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee Libya Ibrahim Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof oo u badan Soomaali iyo Itoobiyaan laga soo badbaadiyay koox loo yaqaanno ‘Magafeyaal’.

Wuxuu sheegay in tirada rasmiga ah ee Soomaalida xabsiyada Liibiya laga sii daayay aaney hadda haynin hase-yeeshee arrintaa ay safaaraddu ku howlantahay.

Halkaan ka dhageyso waraysiga Xogahayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee Libya Ibraahim Maxamed Maxamuud.