Man United Oo Tijaabada Caafimaadka Marsiineysa Weeraryahan 72 Milyan Ku Fadhiya

Weeraryahanka kooxda Atalanta Rasmus Højlund ayaa haatan u safraya dalka Ingariiska si uu u maro tijaabada caafimaadka sida uu goor dhow shaaciyay khabiirka suuqa kala iibsiga Fabrizio Romano.

Romano ayaa sheegay in laacibkaan uu maanta gelinka danbe si rasmi ah u noqon doono ciyaaryahan Manchester United ah.

Labada kooxood ee Manchester United iyo Atalanta ayaa isweydaarsaday wixii dukumiinti ah taasoo muujineysa in hishiiska la dhameeyay.

Laacibkaan ayaa qalinka ku duugaya hishiis shan sannadood ah oo dhacaya bisha Jun 2028ka laakiin waxa uu qiyaar u yeelan doonaa inuu sannad kale ku darsado qandaraaskiisa.

20 jirkaan ayaa adduun lacageed oo gaaraya 72 milyan ginni uga soo wareegaya kooxda Talyaaniga ee Atalanta.

Hojlund ayaa kooxda Talyaaniga ku biiray xagaagii hore isagoo ka soo wareegay kooxda Sturm Graz markaasoo lagu iibsaday 15 milyan ginni.

Atlanta ayaa haatan ku heleysa in ka badan afar jibaarka lacagtaas ka dib markii uu Hojlund u dhaliyay sideed gool islamarkaana uu caawiye u noqday labo gool kale xilli ciyaareedka kaliya ee uu kooxda joogay.

Imaanshaha laacibkaan waxa uu culeyska ka yareynayaan Marcus Rashford oo ahaa xiddiga kaliya ee Man United ay ka sugeysay goolasha isagoo dhaliyay 30 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.