Dalabkii Manchester United Ee Pavard Oo Jawaab Deg-deg Ah Laga Bixiyey

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa ka jawaabtay dalab ay Manchester United ka gudbisay difaaca reer France ee Benjamin Pavard oo uu tababare Erik ten Hag doonayo in uu la saxeexo xagaagan, si uu ugu xoojiyo sakfiisa oo uu u buuxiyo booska uu bannaynayo Harry Maguire oo la sheegay in uu tegayo West Ham.

Difaaca reer France oo kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu iskaga tago Allianz Arena oo uu cutub cusub oo noloshiisa ah bilaabo, ayaa sida uu wariye Florian Plettenberg sheegay waxay kooxdiisu iska diiday dalab kasoo gaadhay Manchester United.

Florian Plettenberg ayaa intaa ku daray, in 27 jirkan uu ku cadaadinayo inay ka iibiyaan United, balse caqabadda jirta ayaa waxay tahay in qiimaha Red Devils uu ka hooseeyo inta ay Bayern Munich dalbanayso. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Manchester United ay waqti horeba heshiis la gaadhay laacibkan oo kaliya la sugayo inta  labada kooxood isla meel-dhigayaan qiimaha iyo iibka laacibkan.