Arsenal Iyo Real Madrid Oo Ku Dhawaaqay Heshiisyada Laba Ciyaartoy Oo Isku Boos, Isku Waddan Iyo Isku Xaalad Ah

Kooxaha Arsenal iyo Real Madrid ayaa dhamaystiray heshiiisyo ay kusoo wareegeen saxeexyo ay raadinayeen oo ay maalmihii ugu dambeeyey mashquul ku ahaayeen, kuwaas oo xaalad isku mid ah ay kula soo wareegeen sidoo kalena halboos ka wada ciyaara. Waxa kale oo ay labadan ciyaartoyba kasoo wada jeedaan hal waddan.

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa waxay dhamaystirtay heshiiska goolhayaha Brentford ee David Raya oo u dhashay waddanka Spain, waxaana ay dhinacyada oodhan saxeexeen heshiiska iyadoo laacibkan loo ballamiyey tijaabada caafimaadka.

Arsenal ayaa waxay kula soo wareegtay heshis amaah ah oo u8u la socdo dookh ah in ay xagaaga dambe si rasmi ah ugula wareegi karto £28 milyan oo Gini oo ay Gunners kusii haysan karto laacibkan.

Saxaafadda ayay Arsenal u ballamisay fiidka hore in ay u diiyaar-garoobaan soo bandhigista David Raya, waxaana sababta amaahda lagu sheegay in Arsenal ay ka baqayso in ay ku dhacdo sharciga dhaqaalaha ee FFP maadaama ay hore u kharash gareeyeen lacag ka badan £200 milyan oo Gini oo ay kasoo bixiyeen Declan Rice, Jurrien Timber iyo Kai Havertz.

Dhinaca kale, kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa waxay saxaafadda usoo bandhigtay saxeexeeda cusub ee Kepa Arrizabalaga oo ay kala soo wareegtay Chelsea, kaas oo ay kusoo qaadatay heshiis amaah sannad ah.

Goolhayaha reer Spain ayaa Real Madrid u beddeli doona  Thibaut Courtois oo dhaawac jilibka ah ku maqnaan doona muddo sannad ah.