Nin dil gaystay oo maxkamadda ka hor qirtay Danbiga uu galey.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa u fariisatay kiiska ninkii dilay Weriyihii Telefishinka Qaranka ee degmada Caabudwaaq Allaha u naxariistee Cabdikariin Axmed Bulxan.

Fadhiga maxkamadda oo ka qabsoomay degmada Caabudwaaq, waxaana si lala yaabay dembisa u qirtay ninkii la hor keenay maxkamadda ee loo heystay dilka Weriyaha.

Cabdixakiin Axmed Cigaal oo 13 bishaan dilay Wariye Cabdikariim Axmed Bulxan ayay maxkamaddu siisay fursad uu uga warbixiyo dembiga loo heysto, wuxuuna si cad i qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay.

Ninka dilka geystay ayaa codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taas oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

“Walaalkey Cabdikariin Axmed Bulxan aniga ayaa dilay, waliba si bareer ah ayaan u dilay, waxaan diyaar u ahay in xaqa la iga oofiyo oo shareecada islaamka la i marsiiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin Axmed Cigaal oo si dhiiran uga hor hadlay maxkamadda.

Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego, wuxuuna maxkamadda u daayey go’aankeeda.

Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Kiiskaan ayaa aad u qabsaday baraha bulshada, waxaana dadka aad uga yaabisay dhiiranaanta ninka dilka geystay oo maxkamadda ka codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta.