Mareykanka Oo walaac ka muujiyey Xaaladaha ka taagan Qaybo kamid ah Itoobiya

Dawladda Maraykanka ayaa Walaac ka Muujisay Qulqulatooyin dhiig ku daaray oo ka socda Gudaha Ethiopia.

Safiirka Ethiopia u fadhiya Addis ababa, Ervin Jose Massinga, ayaa ku baaqay in la joojiyo dadka lagu laynayo laguna Barakiciyay gudaha gobolka Amxaarada gaar ahaan waqooyiga Shewa, oo deegaan ay ku nool yihiin dad oromo ah oo dhex degen gobolka Axmaarada.

“Waxaan ku boorinaynaa ilaalinta dadka rayidka ah iyo in wadahadal wax lagu xaliyo si wax looga qabto caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa ammaanka ee ka jira Itoobiya,” ayuu yidhi danjiraha Maraykanku.