Turkiga oo joojiyey ganacsigii kala dhaxeeyey Israa’iil

Turkiga ayaa joojiyay dhammaan xiriirkii ganacsi ee uu la lahaa Israa’iil ka dib waxa ku tilmaameen “musiibada bini’aadanimo ee sii xumaanaysa” ee Marinka Qasa ka taagan.

Wasaaradda ganacsiga ee Turkiga ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay sii jiri doonaan illaa iyo inta ay Israa’iil ogolaanayso in gargaarka la gaarsiiyo Qasa, si “ku filan oo aan kala go’ lahayn”.

Xaddiga is dhaafsiga ganacsiga ee Israa’iil iyo Turkiga ayaa gaaray $7 bilyan sanadkii hore.

Go’aanka ayaa lagu sheegay in dowladda Turkigu ay joojisay wax kala iibsigii, dhoofinta iyo soo dajintii ganacsi ee ka dhaxayay labada dal taas oo dhammaan taabanaysa badeecadaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil ee Israa’iil Katz ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu u dhaqmayo sidii “kaligii taliye”.

Katz wuxuu ku sheegay barta X, ee hore loo oron jiray Twiter in Erdogan “uu iska indhatirayo danta dadka Turkiga iyo maslaxadda ganacsatada Turkiga, uuna iska indhatiray heshiisyada ganacsiga caalamiga ah.”