Dad ku dhintay Roobab ka da’ay Dalka Brazil.

Toban qof ayaa ku dhintay 21 kalena waa la la’yahay roobab lixaad leh oo toddobaadkan ka da’ay gobolka koonfurta Brazil ee Rio Grande do Sul, iyadoo dawladda hoose ay ka digtay in xaaladdu ay aad u adag tahay oo laga yaabo inay ka sii xumaato.

Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo uu qabtay gavanaha gobolka Eduardo Leite ayaa sheegay inuu la hadlay madaxweyne Luiz Inacio Lula da Silva isagoo raadinaya dhammaan kaalmada federaalka ee suurtagalka ah.

“Waxaan ku jirnaa Rio Grande do Sul daqiiqaddii ugu xumayd, masiibadii ugu xumayd ee taariikhdeena. Waa gabi ahaanba, waa wax aan macquul ahayn, oo aan caadi ahayn waxa ka dhacaya Rio Grande do Sul hadda,” Leite ayaa yidhi. “Nasiib darrose, way ka sii dari doontaa.”