Israa’iil oo dishay Afar ka tirsan ururka Xamaas.

Ciidamada Israel ayaa dilay shan falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan afar dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Xamaas, kadib weerar habeen hore ka dhacay meel u dhow magaalada Tulkarm ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta iyo Israa’iil sabtidii.
Xamaas ayaa xaqiijisay in afar ka mid ah ragga lagu dilay weerarkii tuulada Deir al-Ghusun ay ka tirsanaayeen garabkeeda hubaysan ee al-Qassam. Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in meydadkooda ay qaadeen militariga Israa’iil.