Wararkii ugu dambeeyey ee xaalada Falastiin.

Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA) Philippe Lazzarini ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in “duqeymaha Israel iyo go’doominta naxariis darada ah ay u beddeleen Gaza oo aan la aqoonsanayn”, iyo “bini’aadantinimada” ay “ku baahday” dagaalka.
Todobo qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ku dhintay duqeyntii ugu dambeysay ee Israa’iil ay ka geysatay Rafah, oo ku taal koonfurta marinka Qaza, sida uu sheegay Wafa.

Diblomaasi sare oo Maraykan ah ayaa lagu eedeeyay in uu iska indhatiray eedeymaha xadgudubyada Israel
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku guul daraystay inuu talaabo ka qaado Israa’iil eedaymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ay ciidamadeedu ku hayaan falastiiniyiinta, inkasta oo ay talooyinka u soo jeediyeen saraakiil ka tirsan waaxda uu isagu leeyahay, ayaa lagu yidhi warbixin laga soo saarey xaalada qaza .

Guddi gaar ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda – Israel Leahy Vetting Forum – ayaa soo jeediyay talooyinka bishii Diseembar si loo joojiyo kaalmada Mareykanka ee militariga Israel iyo cutubyada bilayska ee lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen xadgudubyada, laakiin Blinken ma uusan dhaqmin, saraakiisha hadda iyo kuwii hore ayaa u sheegay warbaahinta Mareykanka ProPublica.

“Waxay ku fadhiyeen shandaddiisa tan iyo markaas,” mid ka mid ah saraakiisha aan la magacaabin ayaa laga soo xigtay isagoo leh.