Koobka Champion-ka Qaarada Yurub oo war cusub laga soo saarey.

Tartanka European Super League ayaa la kulmay mucaaradad waqti hore, waxaana kasoo horjeedsaday kooxo waaweyn oo hore ay qaarkood qayb uga ahaayeen bilowgiisii hore, laakiin hadda dhabarka u jeediyey.

Saacado kaddib markii ay maxkamadda sare ee caddaaladda Yurub xukuntay in kooxaha tartanka European Super League soo hindisay ay xaq u leeyihiin inay tartankan qabsadaan, isla markaana aanay FIFA iyo UEFA awood u lahayn inay kasoo horjeedsadaan, waxa bilowday abaabul kale oo ka imanaya xidhiidhada iyo waddamada oo ku riixaya naadiyada inay shaaciyaan in ay diiddan yihiin tartankan.

Atletico Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee si cad ugu dhawaaqday inay kasoo horjeeddo tartankan, waxyar kaddibna waxa labeeyey Manchester United halka xidhiidhada LaLiga, Ligu1 1 iyo dawladda Ingiriiskuba ay qaateen go’aan lid ku ah qabsoomidda tartankaas.

Kooxaha Bayern Munihc iyo PSG ayaa sidoo kale shaaciyey in aanay marnaba qayb ka noqonayn tartankan, waxaana sidooda oo kale sameeyey Valencia, Sevilla, Villarreal, Borussia Dortmund iyo naadiyo kale.

Manchester United ayaa soo saartay bayaankan soo socda oo ay kaga hadlayso xukunkii maanta ee maxkamada cadaalada Yurub ee ku saabsanaa horyaalka Yurub. Mawqifkayagu isma bedelin. Waxaa naga go’an inaan ka qayb-galno tartamada UEFA, iyo inaan si wanagsan ula shaqayno UEFA, Premier League iyo kooxaha kale iyada oo loo marayo Ururka Naadiyada Yurub,