Dawlada jarmalka oo xidhay rag udhashey dalka Ruushka .

Labo muwaadin oo Jarmal-Ruush ah ayaa lagu xiray dalka Jarmalka kadib markii lagu eedeeyay inay maleegayeen weeraro wax u dhimis ah, oo ay ku jiraan xarumaha ciidamada Mareykanka, ee loogu talagalay in lagu wiiqo taageerada militari ee Ukraine, dacwad oogayaasha Jarmalka ayaa sheegay Khamiistii.
Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeyay guryaha iyo goobaha shaqada ee labada eedeysane oo lagu eedeeyay in ay u shaqeynayeen sir shisheeye, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta.

Mid ka mid ah tuhmanayaasha, oo magaciisa lagu sheegay Dieter S., ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2023 kala hadlay qorshe suurtagal ah qof ku xiran adeegga sirta ee Ruushka, ayaa lagu yiri bayaanka.
Dieter S. ayaa loo diyaariyay in uu weeraro bambaanooyin iyo gubasho ah ku qaado xarumaha ciidamada, oo ay ku jiraan kuwa ay maamulaan ciidamada Mareykanka, ayaa lagu yiri bayaanka.
Sida laga soo xigtay majaladda Spiegel, xarumaha waxaa ka mid ahaa saldhigga ciidamada Grafenwoehr ee koonfurta gobolka Bavaria halkaas oo askarta Ukraine ay ku qaataan tababar ku saabsan isticmaalka taangiyada Abrams ee Maraykanka.