Daadad xoogan oo dhibaato gaadhsiiyey qaybo kamid ah Magaalada Dubai.

Magaalada Dubia ayaa waxa malinimadii shalay ku da’ay roobab waawayn oo mahiigaan ah kuwaas oo geystay khasaare badan oo hantiyeed oo badan inkasta oo aan wali la shegin khasaare nafeed,
roobabkan ayaa saamyn kub yeeshay waddooyinka iyo isusocodka gaadiidka kadib markii daadku ay magaalada galeen.


roobabku waxa kale oo ay hakad galiyeen duulimaadyadii dubai iyada oo ay baaqdeen illaa 50 duulimaad markii ay biyo badan fadhiisteen dhabada diyaaraduhu ka haadaan ee dubai
Garoonka Dubia ayaa ah midka ugu mashquulka badan ee loo safro Caalamka
dubai ayaa illaa maalmahan soo socda laga filaya inay da’aan roobab mahiigaano ah