Xukuumada somaliland oo war cusub kasoo saartay dagaalki saaka ka dhacay gobolka sool.

somaliland waxay sheegaty in dagaalka ay qayb ka ahaayen ciidamo katirsan kuwa maamulka putland.

wasiirka wasaarada gaashaandhiga somaliland cabdiqani maxamuud caateeye’fariid’ oo ku hadlaayey afka xukuumada somaliland ayaa sheegay in saaka weerar lagu soo qaadey fadhiisimada ciidamada jamhuuriyada somaliland ku leeyihiin deegaanada ku hareeraysan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool.

wasiirka ayaa sheegay in dagaalkani ay soo qaaden ciidamo hubaysan oo kasoo kicitimay deegaano ka baxsan gobolka sool isagoo si gaara umagacaabay ciidamada maamul goboleedka putland ,sidoo kalena wasiir c/qani maxamuud caateeye fariid wuxuu sheegay in dagaalkaasi somaliland ku qabsatay saanad milateri,maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo tiro badan.