Xubno ka tirsan Koomishanka Doorashooyinka Somaliland oo shil galey

Alle haw naxariiste Hal Askari ayaa ku geeriyooday halka ay 4 Askari oo kalena ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay Jidka u dhaxeeya Burco iyo Sheekh.

Askartan ayaa ka tirsanaa ciidanka Ilaalada Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland kuwaasi oo u socday hawlo shaqo oo ay kamid yihiin sahaminta goobaha cod bixinta ee gobolada Bariga.

Shilkan dhimashada iyo dhaawaca gaystay ayaa yimi kadib markii ay isku dhaceen gaadhiga ciidanka Booliska iyo Bas kuwa rakaabka qaada oo ay leedahay shirkadda Bari iyo Galbeed.