Xisbiga Waddani oo kasoo horjeestay Khudbadii uu Barlamaanka ujeediyey Madaxweynaha Somaliland.

Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Faarax Cabdii ayaa ka hadlay khudbad sanadeedkii uu shalay jeediyey madaxweynaha Somaliland muuse Biixi Cabdi ee uu ujeediyey labada gole Barlamaan ee Somaliland wuxuuna ku tilmaamay khudbadaasi mid aan laga fileyn isla markaana shacabku ku qancin.

Doorashooyinka Somaliland oo madaxweyne Muuse Biixi ka codsasdey xisbiyada kale in badhkooda ay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya ayuu sheegay inaanu jirin dhaqaale ay bixinayaan mucaaradku taas bedelkeedana xukuumadu ay bixiso dhaqaalaha maadama ay qaado cashuurta muwaadiniinta.