Gudoomiyaha xisbiga waddani xirsi cali xaaji xasan ayaa guddi umagacaabay xaalada wakhtigan ka taagan gobolka sool ee somaliland.
Guddidan uu magacaabey gudoomiyaha xisbiga wadani ayaa ka kooban 7 xubnood iyadoo waraaq uu soo saarey gudoomiyuhuna lagu sheeegay in guddidani uxilsaaran tahay nabad-raadinta iyo ukuur gelida qiimaynta xaalada colaadeed ee ay ku sugan tahay caasimada gobolka Sool ee laascanood.
xaalada magaalada laascanood ayaa degen maalintii 5aad oo xidhiidh ah mana jiraan dagaalo ka socda.