Xildhibaank ka tirsan Kuwa barlamaanka (Golaha wakiilada ) ku matala Gobolka Awdal oo la hadlay warbaahinta ayaa si weyn uga soo horjeestay Miisaaniyada 2024 oo maanta ay ansixiyeen Mudanayaasha Golahaasi.
Xubnahan la hadlay warbaahintu waxay si weyn uga soo horjeestay Qoondada gobolka Ay matalaan ee Awdal loogu darey Miisaaniyadan 2024ka iyagoo Tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu ka reebay 3 Milyan oo ay Hore Gobolkaasi ugu dareen.
labadan Xildhibaan ee Warbaahinta la hadlay ayaa waxay fariin adag Udireen Shacabka Gobolka Awdal oo ay ugu baaqeen in Codkooda Doorashada Madaxweyne ay ugu Codeeyaan Musharaxa Xisbiga waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro.