Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari Ee Maamul Goboleedka Putland ayaa sheegaya inuu geeriyooday Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xaaji Maxamed.
Xildhibaankan ka tirsanaa Golaha deegaanka Degmada Badhan ayaa saaka u geeriyooday dhaawac culus oo Xalay kasoo gaadhay rasaas ay ku dhufteen kooxo hubeysna.
Kooxaha hubeysnaa ee fuliyay dilka Xildhibaanka ayaa goobta iskaga baxsadey , iyadoo dilka kadib ay halkaasi gaadheen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka magaalada Boosaaso oo baadhitaano aan wali natijadooda la shaacin halkaasi ka sameeyay.
Be the first to comment