Axmed Khaliif Oo kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland oo si Gaar ah ula hadlay MM TV ayaa ka hadlay arimo badan oo wakhtigan ka taagan Somaliland.
Xildhibaan khaliif ayaa ugu baaqey Koomishanka doorashooyinka inay iska ilaabaan Hadalada kasoo yeedhaya Madaxweyne Biixi ee ku saabsan Nidaamka lagu galayo Doorashooyinka somaliland kusoo socda.
Wuxuu xildhibaan Axmed sheegay in aan muddo afar bilood ah lagu keeni karin somaliland Nidaamka isha ee lagu galayo doorashada kaasi oo marar kala duwan ay sheegtay Xukuumada somaliland inuu laga maarmaan uyahay Doorashadaasi si looga Badbaado Khilaaf doorasho iyo Musuq maasuq ka dhasha natiijada doorashooyinkaasi laga filaayo.