Xiisad Ka Alloosan Galbeedka Magaalada Qudus Ee Dalka falastiin.

Xiisad iyo rabshado sii kordhaya ayaa ka taagan Daanta Galbeed ee Magaalada Qudus, ka dib markii halkaas lagu dilay nin asalkiisu ka soo jeedo Israel laakiin haysta dhaslahada Mareykanka.

Ninkan ayaa lagu toogtay weerar lagu qaaday Baabuur maraysay waddo weyn oo u dhow magaalada Jericho.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in uu si buuxda ay Israel mas’uul uga tahay waxa uu ugu yeedhay “falalka argagixisanimo ee ay fuliyaan dadka Israa’iiliyiinta ah ee deegaamaysiga ka wada daanta galbeed.

Israa’iiliyiinta degan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed ayaa gubay dhismayaal falastiiniyiintu leeyihiin, iyagoo halkaas ku dilay hal nin oo Falastiini ah.

Rabshadaha ayaa daba socday toogasho lagu dilay laba qof oo Israa’iiliyiin ah oo ku dhintay tuulo u dhow magaalada Nablus oo todobaadkii tagay ay weerarro ka dheceen.

Dadka deegaanka ayaa ku doodaya in askarta Israa’iil ay ka caawiyeen dadka deegaanka in ay fuliyaan weerarka aargoosiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.