xeer ilaaliyaha Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saarey.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu baadhis ku hayo shirkad ka mid ah kuwii wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee XFS ay siisay adeegga Xajka oo xafiisku sheegay inay lacago ka badan intii ay Wasaaraddu u jaangoysay ka qaadday dadkii u adeeg doontay.