Xaalada ceerigaabo oo Maanta degen .

Xildhibaano Ka tirsan Golahab wakiilada Somaliland ayaa gaadhey Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag si ay qayb uga noqdaan Soo afjarida Shaqaaqooyin Maalmihii udambeeyey ka dhacayey Halkaasi.

Ceerigaabo Dhawaan waxa uu Dagaal kooban uu ku dhex marey Qaar kamid ah Beelaha Wada daga Halkaasi iyagoo Geystay amaba is gaadhsiiyey Khasaare Iskugu Jira Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaadhey Labadooda Dhinac.

Maamulka Gobolka sanaag iyo ka Degmada Ceerigaabo ayaa Amar Bandow ah soo rogey Kaasi oo lagu soo Rogey Dadka iyo Gaadiidka oo aan la Ogoleyn inay shaqeeyaan Wixii ka dambeeya Lixda Fiidnimo.