Ugu yaraan sagaal askari ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay koofur galbeed ee gobolka Balochistan ee dalka Pakistan.
“Ugu yaraan sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Balochistan Constabulary ayaa lagu dilay qarax,” Ijaz Ahmad, afhayeenka bilayska maxalliga ah ayaa sidaasi yidhii .
Ciidamada ayaa ku safrayey bas marayey magaalada Sibbi ee degmada Kachhi ee gobolka Balochistan – oo qiyaastii 160km (100 mayl) koonfur bari ka xigta caasimadda gobolka ee Quetta – markii uu gaadhigu qarxay, sida uu sheegay afhayeenku.
Afhayeen Mehmood Khan Notizai ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in qof ismiidaamiyay oo watay mooto “uu gaadhiga xaga dambe uu kaga dhuftay”.
Saraakiisha ayaa sheegay in askartan ay ka soo laabteen bandhiga xoolaha ee deegaanka oo todobaad ka socday halkaasi oo ay ku sugayeen ammaanka goobta bandhigu uu ka socday.