Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah magaalada uu xalay ku fatahay Webiga Shabeelle.
Dadweynihii degganaa xaafadaha fatahaaddu saameysay ayaa halkaa isaga barakacay iyagoo aaday dhulka sare ee ka durugsan aagga webigu ku fatahay.
Dhowr jeer oo hore ayuu webigu sidaan oo kale iyo ka sii xoogganba ugu fatahay magaalada Beledweyne, waxaana mar walba dadga magaalada ay wajahaan xaalad liidata oo dhanka nolosha, caafimaadka iyo hoygaba.