Waxay noqon doontaa abaartii ugu xumayd ee la arko 70 sanno.

Geeska Afrika ayaa laga yaabaa in dhawaan ay soo wajahdo abaartii ugu darnayd

Waxay Noqon doontaa Abaartii ugu Xumayd ee la arko 70 sanno, Hadii aanay robabka Gugu Hagaag u di’in.

CIMILADA:

Geeska Afrika ayaa laga yaabaa in dhawaan ay soo wajahdo abaartii ugu darnayd ee diiwaanka geliyo, muddo ka badan 65 sanadood.saadaasha ayaa tilmaamaysa in cimilo qalalan la arki doono xilligii la filayay in roobabku ay si fiican u da’aan taas oo ku beegan bilaha March ilaa May ee sanadkan.

Hadii Roobabkaasi ay dib u dhacaan ama di’i wayaan waxay noqonaysaa markii lixaad oo xidhiidh ah oo ay dib u dhacaan robabkaasi tan iyo sanadkii 2020. Abaarta ba’an, oo ay weheliso colaado iyo cadaadis dhaqaale oo socda, ayaa barakiciyay in ka badan hal milyan oo qof, waxayna gaajo u horseedeen in ka badan 20 milyan oo kale.

Haddii roobabku ay ka hooseeyaan celceliska caadiga ah saddexda bilood ee soo socota, tani waxay noqon doontaa abaartii ugu xumayd ee ka dhacda Geeska muddo 70 sano ah, Sida ay sheegtay hay’adda saadaasha hawada Adduunka (WMO).