“Waxa aanu si dhab ah uga hadli doonaa waxa sababay guuldaradii ceebta aheyd” Ten Hag

Mohamed Salah ayaa ahaa xidigii ugu fiicnaa Liverpool kulankii Manchester United.

LIVERPOOL ayaa 7-0 ku garaacday Manchester United ka dib guushii cajiibka aheyd ee ay ka gaareen garoonka Anfield!

Cody Gakpo, Darwin Nunez iyo Mo Salah ayaa dhamaantood laba gool u kala dhaliyay Reds iyo Roberto Firmino oo dhaliyey hal gool.

Liverpool ayaa qaybta dambe ee ciyaarta wacdaro la soo gashay garoonka iyagoo dhaliyey lix gool oo daran doori ah si ay u soo noolayaan rajadooda afarta kooxood ee ugu sareya xili ciyaareedkan, waxayna si dhab ah u wiiqeen rajadii afar jibaarka ahayd ee United ku socotay tan iyo bilawgii sannadka cusub.

Mohamed Salah ayaa ahaa xidigii ugu fiicnaa Liverpool kulankii Manchester United.

Muxuu ka yidhi Ten Hag kulankii kooxdiisa casharka loogu dhigay.

Maamulaha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku tilmaamay qaab ciyaareedkii qeybta labaad mid aan wanaagsaneyn, wuxuuna xaqiijiyay inay si dhab ah uga hadli doonaan guuldaradii ceebta aheyd. Ten Hag ayaa u sheegay Sky Sports:

“Qaybtii labaad waxay ahayd mid aan xirfad lahayn, ma dhici karto, waana inaan ka hadalnaa. “Waxay ku saabsan tahay kooxda oo dhan, waxaan arkay 11 qof oo madaxa ka lumay. “Taasi maaha Manchester United, waxaan leenahay heerar sare”

Dhan kale tababraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay ciyaartii ay la yeehseen dhigooda Man united.

Jurgen Klopp ayaa bogaadiyay qaab ciyaareedka fiican ee kooxdiisa wuxuuna uga digay kooxaha ay ku xafiiltamaan Premier League in ay cashar ka bartaan ciyaartii maanta.

Klopp ayaa u sheegay Sky Sports: “Qaybtii hore waxa ay ahayd mid duur joog ah, laakiin waxa aanu dhalinay gool cajiib ah, maxaa dhamaaday. “Waa muhiim inaan dhab ahaantii soo bandhigno, dhammaan wiilasha oo dhan ayaa soo galay oo gool dhaliyay, Bobby [Roberto Firmino] ayaa soo galay oo dhaliyay. Diogo [Jota] ayaa dhalin karayey. “Waxay ahayd mid qumman. Qof kastaa waa inuu na dareemo, qof walba waa inuu ogaadaa inaan weli ku jirno kaalmaha hore. Taasi waa waxa ay tahay inaan ahaano wixii hadda ka dambeeya.”

Mohamed Salah ayaa ka hadlay isna dhankiisa

.

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa shaaca ka qaaday inuu u dabaaldegi doono inuu noqdo gooldhaliyaha ugu sarreeya ee Liverpool ee Premier League “shaaha chamomile iyo hurdo”. Salah ayaa u sheegay Sky Sports: “Waa wax qaas ah, been ma sheegi karo, rikoodhkan ayaa maskaxdayda ku jiray tan iyo markii aan halkaan imid, ka dib xilli ciyaareedkeygii ugu horeeyay waxaan mar walba caydhsanaayey rikoodhka. “In aan maanta la kulmo [Manchester] United natiijadaas waa wax aan la rumeysan karin, waxaan aadayaa guriga si aan ula dabaaldego qoyska.

Ma joogno booska aan dooneyno inaan noqono laakiin waxaan rajeyneynaa inay na siin doonto dhiirigalin weyn”