Waxa Aan Dareemaya Jawi Colaadeed” – Xavi Hernandez Oo Murugaysan Kaddib Guushii Ay Ka Gaadheen Athletic Bilbao

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa ka cadhooday jawigii ay kooxdiisu kala kulantay garoonka San Mames ee Athletic Bilbao ee ay xalay martida ku ahaayeen, halkaas oo ay kala kulmeen jawi colaadeed oo ay saldhig u tahay fadeexadda lacagaha ay kooxdu siisay garsoorka ee keentay in maxkamadda laga dacweeyo. Barcelona oo lagu eedeeyey inay €7 milyan oo Euro siisay Jose Maria Enriquez Negreira waqtigii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka garsooreyaasha Spain intii u dhaxaysay 2001 illaa 2018, ayaa u safartay Bilbao oo ay kasoo gaadhay guul 1-0 ah.

Waqtiga ay kooxdu lacagta bixisay ayaa ah intii u dhaxaysay 2016 iyo 2018, waxaana hadda socota dacwadda iyadoo dhamaan kooxaha  Spain ay isku raaceen in sharciga la mariyo kooxda ka dhisan Catalonia.

Taageereyaasha Athletic Bilbao ayaa xalay waxay ku qayliyeen ereyo ay ku dalbanayeen in heerka labaad loo dhaadhiciyo Barcelona, waxaana arrintaas ka murugooday Xavi Hernandez oo ciyaarta kaddib la hadlay saxaafadda, waxaana uu yidhi: “Waan ixtiraamaya taageereyaasha San Mames. Mar walba si fiican ayay iila dhaqmi jireen, laakiin waxa aan maanta la yaabay jawiga colaadda leh ee ay kula kaceen Barca. Waa murugo in aan arko waxaas oo kale. Barca waqti ayaaba lasii xukumayaa, ilamana aha wax fiican. “Cid walba xor ayay u tahay inay fikirkeeda sheegto, waanan ixtiraamayaa dhamaan afkaarta haddii ay yihiin kuwo aan raacsanahay iyo haddii kaleba, laakiin dareen murugo leh ayay i geliyeen.”