wadamada norway ireland iyo spain ayaa si rasmiya waxa ua qoonsadeen dawladnimada falastiin oo in badan caalamku iska indho tiraayey iyadoo israa’iilna ka digtay cuna qabateyn ka dhalan karta aqoonsigaasi la siiyey falastiin ,waxayna Israa’iil markiiba amartay inay dib u soo celiso safiiradeeda Norway iyo Ireland.
Dawladda Nowray ayaa sheegtay in Dadka falastiin ay leeyihiin xuquuq ay ku noqdaan dal madax banaan “Falastiin waxay xaq u leedahay in ay noqoto dal madax-bannaan oo leh dhammaan xuquuqaha iyo waajibaadka dal madax banaan u baahan yahay ,” ayuu yidhi Gahr Støre, oo ah Raysal wasaaraha dalka Norway.
Horumarka ayaa yimid in ka badan 30 sano ka dib heshiiskii Oslo ee ugu horreeyay ee la saxeexay 1993. Wixii markaas ka dambeeyay, “Falastiiniyiintu waxay qaadeen tillaabooyin muhiim ah oo ku saabsan xal laba dowladood ah,” intaas sii raaciyey Raysal Wasaaraha Norway.
Dhowr waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay tilmaamay inay qorsheynayaan inay aqoonsigaas sameeyaan, iyagoo ku doodaya in xal laba dowladood ah ay lagama maarmaan u tahay nabad waarta oo gobolka ah.
Norway, oo aan xubin ka ahayn Midowga Yurub, balse ka tarjumaysa dhaq-dhaqaaqeeda, ayaa si weyn u taageerta xal laba dawladood ah oo dhexmara Israel iyo Falastiiniyiinta.
falastiiniyiinta ayaa waxa uu dagaal kala dhaxeeya israaiil oo marar kala duwan hor istaagtay dawladnimadeeda waxaana dagaaladaasi ku dhintay kumaan kun oo falastiniyiin ah iyado kuwo kalena ay ku barakaceen .