Wada hadalkii usocday Itoobiya Iyo Soomaaliya oo lagu kala Kacey.

Wada hadalladii Itoobiya iyo Somalia ayaa ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyada oo labada dhinac isku Mari waayeen waxyaabihii ay ka wada hadlayeen.

Kulankan, oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka socday Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa maanta ku dhamaaday heshiis la’aan.

Turkiga oo isku dayey inuu isu soo dhaweeyo Somalia iyo Itoobiya, ayaa ku guul daraystay in dhinacyada uu ku qanciyo in ay tanaasul ka sameeyaan, meelihii ay kala taagnaayeen.

Itoobiya ayaa ku adkaysatay in aanay ka noqonayn isfahamkii ay Somaliland la gashay ilaa hesho beddel la mid ah oo damaanad qaad wata, halka Somalia ay ku adkaysatay in Itoobiya ka noqoto isfahamka Somaliland, si looga wada hadlo arrimaha Badda.