Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hg ayaa xaqiijiyey in ciyaarta caawa ee Real Betis ay kusoo bilaaban doonaan laba ciyaartoy oo min hal kaadh uga hadhsan yahay ganaax, laakiin uu u badheedhi doono khatartaas oo uu ciyaarsin doono.
Manchester United oo lugtii hore ee wareegga 16ka ee garoonka Old Trafford ku badisay 4-1, ayaa waxay caawa marti u noqonaysaa Real Betis.
Xiddigaha khadka dhexe ee Bruno Fernandes iyo Casemiro ayaa min hal kaadh u jira in laga ganaaxo lugta hore ee wareegga semi-finalka haddii ay kooxdoodu usoo gudubto, waxaase uu Erik ten Hag sii sheegay inuu kusoo bilaabi doono cawa oo aanu kala maagi doonin.
Shirkii jaraa’id ee ka hor ciyaarta ayaa Erik ten Hag lagu weydiiyey waxa uu ka yeelayo Casemiro iyo Bruno Fernandes, waxaanu ku jawaabay: “Way ciyaari doonaan labaduba, sababtoo ah kooxda aanu ka hor tegayno waa naadi wanaagsan. Toddobaadkii hore natiijo fiican ayaanu ka gaadhnay laakiin waa in aanu mar kale tagno, waananu u baahanahay ciyaartoydayada ugu wanagsan. Waxa aanu u baahanahay guul, sidaas daraadeed ayaanu ugu baahanahay ciyaartoydayada ugu fiican.”
Manchester United ayaa waxa ciyaarta caawa dhaawac kaga maqan Alejandro Garnacho oo kuraanta ay waxyeello kaga soo gaadhay ciyaartii Southampton. Sidoo kale, Antony ayaan qayb ka ahayn ciyaartoyda Man United ee u safartay waddanka Spain.