Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa magacaabay xiddigii Chelsea ee dhibay difaacyahannada kooxdiisa ciyaartii Stamford Bridge ee lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions Legue.
Real Madrid ayaa guul 2-0 ah kasoo gaadhay Chelsea oo ay isla natiijadaas oo kale kaga badisay ciyaartii hore ee Santiago Bernabeu ka dhacday Arbacadii toddobaadkii hore, waxaana geesiga kulankan noqday Rodrygo Goes oo labada goolba u dhaliyey.
Blues ayaa heshay fursado dahabi ahaa oo ay ka khasaariyeen N’Golo Kante iyo Marc Cucuerella qaybtii hore ee ciyaarta, balse waxa Chelsea dilay dhaqaaq uu garabka midig ka sameeyey Rodrygo daqiiqadii 58aad oo uu goolka koowaad ku dhaliyey, waxaanu goolkaasi noqday midka niyad-jabiyey Chelsea ee ay sida rasmiga ah iskugu dhiibtay ka hor intii aanu mar kale Rodrygo shabaqa soo taaban dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin.
Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay kaddib ciyaartii xalay, ayaa waxa uu qirtay in difaaca kooxdiisu ay ku dhibaatoodeen sidii ay u joojin lahaayeen N’Golo Kante, waxaana uu yidhi: “Waxaan u malaynayaa in aanu ku dhibaatoonay booskii uu ka ciyaarayay Kante, taasina sax ma ahayn.