Waa Kuwee labada Kooxood Oo U Midoobay Sidii Ay Lionel Messi Uga Joojin Lahaayeen Inuu Tago Waddanka Sucuudiga

Laba kooxood ayaa iskugu tegaya Lionel Messi si ay uga joojiyaan in uu saxeexo heshiis ku kacaya £1 bilyan oo Gini oo uu ku tegayo waddanka Sucuudiga, taas oo haddii uu ogolaado ka dhigi doonta ciyaartoyga ugu taajirsan adduunyada. Warbaahinta waddanka Faransiiska ayaa sheegtay, in laacibkan toddobada jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or uu aad uga lacag badnaan doono Cristiano Ronaldo haddii uu ogolaado in uu tago Boqortooyada Sucuudiga.

Lionel Messi ayaa dalab weyn ka haysta Al Hilal oo ay xafiiltamaan kooxda Cristiano Ronaldo ee Al Nassr, waxaanay ula diyaar yihiin in dhawr sannadood oo heshiis ah ay siiyaan, isaga oo mushaharkiisuna gaadhi doono ku dhowaad £1 bilyan oo Gini.

Si kastaba, Barcelona ayaa ku dedaalaysa in ay laacibkeedan hore ku qanciso in uu kusoo laabto Camp Nou oo uu u ciyaaro muddo sannad ama laba ah, kaddibna uu u wareego naadiga waddanka Maraykanka ee Inter Miami ee uu iska leeyahay David Beckham.

Wargeyska L’Equipe ee kasoo baxa waddanka Maraykanka ayaa sheegay, in Barcelona ay si wad-ajir ah isku kaashanayaan Inter Miami oo ay doonayaan in marka hore uu Messi ka dego Maraykanka, kaddbna amaah lix illaa 18 bilood ah loogu soo diro Camp Nou.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaan la ogeyn in uu Lionel Messi aqbali doono, waxaanay wararku u badinayaan in uu laacibkani doorbidayo Sucuudiga sababtoo ah da’diisa weynaatay ee 36 jirka afka la gashay iyo lacagta aadka u badan ee uu helayo.