Waa kuma Musharaxa Codkiisa ugu Deeqay Madaxweyne Erdugan ?

Musharaxa saddexaad ee ugu codka badan doorashada waddanka Turkiga Sinan Ogan ayaa Taageero cajiib ah umuujiyey madaxweyne Erdugan oo tartan adag kala kulmaya Hogaamiyaha Mucaaradka ugu weyn kaasi oo ay taageersan yihiin waddamada Reer Galbeedku.

Doorashada dalka Turkiga oo wajigeedi koowaad Todobaadkii hore lagu kala calaf qaadi waayey kadib markii musharax kasta keeni waayey Codadka loo baahan yahay oo 51% ayaa waji labaad lagu tartami doona Horaanta Todobaadka soo socda.

Erdugan ayaa waddanka Turkiga soo hogaaminaayey muddo 20 sanno ah waxaana la xasuusta in siyaasada Hogaamineed ee dalka Turkiga uu kasoo bilaabay inuu soo noqday maayirka magaalada istanbul ee dalka turkiga.