
Ukraine oo kuu raad joogta “damaanad-qaad amni” oo ay ka hesho Mareykanka, Midowga Yurub, iyo Turkiga.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay muhiimada ay leedahay in la sugo xuduudaha dalkiisa, isaga oo carabka ku adkeeyay baahida Ukraine u qabto damaanad-qaad amni, xilli uu booqasho rasmi ah ku joogo Turkiga.
“Dal ahaan waxaanu rabnaa nabad iyo in dagaalku dhamaado, balse waxaanu rabnaa in dhammaadka dagaalkaasi saldhig u noqdo damaanad-qaad amni oo cad”. Sidaa waxa yidhi Madaxwayne Zelenskyy. sida ay baahisay warbaahinta rasmiga ah ee Turkiga, xilli uu ka hadlayay munaasabadda furitaanka safaaradda cusub ee Ukraine ka yagleeshay Ankara.
Intaa wuxuu ku daray;
“Waxaan ka rajeyneynaa Mareykanka, Midowga Yurub, Turkiga iyo dhammaan Yurub inay bixiyaan damaanad-qaad amni.”
Madaxweynaha Ukraine ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisu marnaba tanaasuli doonin dhulka uu haatan Ruushku maamulayo, isaga oo xusay inuusan fali karin talaabo dastuurka dalkiisa liddi ku ah.
“Duruuf kasta oo lagu jiro, sinnaba, uma aqoonsan doonno dhulalka sida ku-meelgaadh u maqan inay qayb ka yihiin Ruushka. Waa dhul Ukraine.” Ayuu yidhi.
Zelenskyy ayaa sidoo kale markale xaqiijiyay sida Ukraine uga go’an tahay inay dib u hanato dhulka ka maqan, iyada oo u maraysa dariiq diblomaasiyadeed.
Wuxuu intaas ku daray in arrimahan sidoo kale kala hadli doono dhiggiisa Madaxweyne Erdogan.
Booqashadiisa Turkigu waxay ku soo aadaysaa maalmo yar uun ka hor sannad-guuradii saddexaad ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine, xilli warar isa soo taraya oo ku saabsan wada-hadallo suurtagal ah oo lagu soo afjarayo dagaalka ay si weyn u hadal hayaan Yurub iyo caalamku.